Qiimaha noloshaadu
Qiimahaadu waa Booska aad Isdhigto -
Sheeko
Beri hore ayaa waxaa meel magaalo ah
kuwada noolaa nin xikmad badnaa iyo wiil yar
oo uu dhalay, maalin maalmaha ka mid ah,
ayaa wiilkii yaraa u yimid aabihiis wuxuuna ku
yiri 'Aabe, waa maxay noloshayda qiimaheedu?'
Aabihii madaxuu ruxay, xoogaa buu fakaray.
Aabihii dhagax buu soo qaatay, wuxuuna wiilkii
ku yiri 'Aabe, dhagaxaan qaado, waxaad aadaa
suuqa, dhexmar suuqa, haddii qof ku
weydiiyo,waa imisa qiimaha dhagaxa? ha u
jawaabin kaliya labo farood kor u taag'
wiilkii yaraa wuxuu aaday suuqa, asagoo
dhexmaraya suuqa, ayaa waxaa u yeertay
islaan da' ah, waxayna ku tiri 'waa imisa
qiimaha dhagaxa?' willkii ma hadlin labo farood
ayuu kor u taagay. Islaantii waxay tiri 'haa labo
doolar miyaa? boorsay furtay wiillkii yaraa $2
bey siisay, dhagaxiina wey qaadatay. wiilkii
asagoo faraxsan ayuu dib ugu laabtay aabihiis,
wuxuuna yiri'aabe labo doolar ayaa dhagaxii la
iga siiyey'.
Aabihii madaxa intuu ruxay buu yiri 'hagaag,
hoo dhagaxaan kalena qaado, waxaad aadaa
Matxafka (oo macnahiisu yahay meelaha lagu
keydiyo waxyaalihii hore ee qadiimka ah,
qaaligana ah), dhexmar matxafka, haddii qof ku
weydiiyo qiimaha dhagaxa ha la hadlin ee labo
farood taag
wiilkii yaraa mar labaad ayuu baxay wuxuuna
aaday matxafka. asagoo matxafka dhexmaraya,
ayaa waxaa u yeerey nin da'diisu iska
dhexdhexaad tahay, wuxuuna ku yiri'waa imisa
qiimaha dhagaxa?'
wiilkii yaraa ma hadlin labo farood ayuu kor u
taagay. ninkii wuxuu yiri 'labo boqol oo doolar
miyaa? Boorso uu watay buu furay,
markaasbuu wiilkii siiyey $200. Wiilkii asagoo
faraxsan ayuu aabihii u tagey oo ku yiri 'Aabe,
dhagaxii labo boqol oo doolar baa la iga siiyey'
Aabihii madaxuu ruxay wuxuuna wiilkii ku yiri
'Hagaag, hoo dhagaxaan saddexaad qaad,
waxaadna aadaa, dukaanadda lagu qaddo
dhagaxaanta qaaligaa sida dahabka iyo
dheymanta, haddii qof ku weydiiyo qiimaha
dhagaxa, ha u jawaabin ee labo farood kor u
taag'
Wiilkii asagoo yaaban, ayuu aaday meelihii lagu
gadi jirey dhagaxaanta qaaligaa, asagoo
dhexmaraya, ayaa waxaa u yeertay, islaan da'
ah, waxayna ku tiri 'Alla! dhagaxaan waa kaan
noloshayda oo dhan raadinayey, waa imisa
qiimahiisa?'
wiilkii ma hadlin, labo farood ayuu kor u taagay.
Islaantii waxay tiri 'labo boqol oo kun oo doolar
miyaa?' Boorso weyn oo ay wadatey intay
furtay ayey wiilkii siisay $200,000 dhagaxiina
qaadatay.
Wiilkii oo madaxu weynaaday la yaab dartiis,
farxadna isla hayn la, ayaa aabihiis u tagey, oo
ku yiri 'aabe....aabe, aabe dhagaxii waxaa la iga
soo siiyey $200, 000'
Aabihii intuu madaxa ruxay oo dhoolo cadeey
ayuu wiilkii ku yiri 'Hadda ma fahantay qiimaha
ay noloshaadu leedahay?' wiilkii yaraa wuxuu
yiri 'Maya, aabe ii sheeg'
Aabihii wuxuu yiri 'Noloshaada qiimaheedu waa
hadba meeshaad nafsadaada dhigto, ama
waxaad noqon dhagax labo doolar ($2)
qiimihiisu yahay ama waxaad noqon dhagax
labo boqol oo kun oo doolar ($200,000)
qiimihiisu yahay, adigu kala dooro kaad noqon
lahayd‟
Ma fahantay xikmadda ku jirta sheekadda?.....
Hagaag, su‟aasha ugu weyn ee aad is
weydiinayso ayaa ah „Sidee u kobciyaa ama u
hormariyaa qiimaha nolosheyda si aan u noqdo
dhagax qiimhiisu yahay $200,000?‟
Comments
Post a Comment