Qiimaha noloshaadu
Qiimahaadu waa Booska aad Isdhigto - Sheeko Beri hore ayaa waxaa meel magaalo ah kuwada noolaa nin xikmad badnaa iyo wiil yar oo uu dhalay, maalin maalmaha ka mid ah, ayaa wiilkii yaraa u yimid aabihiis wuxuuna ku yiri 'Aabe, waa maxay noloshayda qiimaheedu?' Aabihii madaxuu ruxay, xoogaa buu fakaray. Aabihii dhagax buu soo qaatay, wuxuuna wiilkii ku yiri 'Aabe, dhagaxaan qaado, waxaad aadaa suuqa, dhexmar suuqa, haddii qof ku weydiiyo,waa imisa qiimaha dhagaxa? ha u jawaabin kaliya labo farood kor u taag' wiilkii yaraa wuxuu aaday suuqa, asagoo dhexmaraya suuqa, ayaa waxaa u yeertay islaan da' ah, waxayna ku tiri 'waa imisa qiimaha dhagaxa?' willkii ma hadlin labo farood ayuu kor u taagay. Islaantii waxay tiri 'haa labo doolar miyaa? boorsay furtay wiillkii yaraa $2 bey siisay, dhagaxiina wey qaadatay. wiilkii asagoo faraxsan ayuu dib ugu laabtay aabihiis, wuxuuna yiri'aabe labo...
Comments
Post a Comment