Posts

Showing posts from August, 2024

Qiimaha noloshaadu

Image
  Qiimahaadu waa Booska aad Isdhigto -  Sheeko Beri hore ayaa waxaa meel magaalo ah  kuwada noolaa nin xikmad badnaa iyo wiil yar  oo uu dhalay, maalin maalmaha ka mid ah,  ayaa wiilkii yaraa u yimid aabihiis wuxuuna ku  yiri 'Aabe, waa maxay noloshayda qiimaheedu?'  Aabihii madaxuu ruxay, xoogaa buu fakaray. Aabihii dhagax buu soo qaatay, wuxuuna wiilkii  ku yiri 'Aabe, dhagaxaan qaado, waxaad aadaa suuqa, dhexmar suuqa, haddii qof ku  weydiiyo,waa imisa qiimaha dhagaxa? ha u  jawaabin kaliya labo farood kor u taag' wiilkii yaraa wuxuu aaday suuqa, asagoo  dhexmaraya suuqa, ayaa waxaa u yeertay  islaan da' ah, waxayna ku tiri 'waa imisa  qiimaha dhagaxa?' willkii ma hadlin labo farood  ayuu kor u taagay. Islaantii waxay tiri 'haa labo  doolar miyaa? boorsay furtay wiillkii yaraa $2  bey siisay, dhagaxiina wey qaadatay. wiilkii  asagoo faraxsan ayuu dib ugu laabtay aabihiis,  wuxuuna yiri'aabe labo...

Ha u Shaqayn Lacag Darteed

Image
Ha u Shaqayn Lacag Darteed Buuga uu qoray Robert kiosaki ee la yiraahdo “Rich Dad Poor  Dad(aabe qani ah iyo aabe faqiir ah)” ayuu casharka 1-aad ka dhigay  “taajiriintu uma shaqeeyaan lacag darted” balse waxa ay leeyihiin lacag  u shaqaysa iyaga. Qofku marka uu yiraahdo. waxaan rabaa shaqo, waxaa wada laba  dareen midkood: Dareenka cabsida lacag la’aanta ama dareenka in uu  helo lacag ka badan inta uu hada ku shaqeey Labadan dareenba waxa ay qofka saarayaan cadaadis aad u  badan, waxa ayna kicinayaan qofka saqda-dhexe, asaga oo ku qarwaya  ama ku riyoonaya shaqo ……shaqo…….shaqo. Kadibna qofka waxa ay ku ridayaan dabin in uu ka soo baxo ay  adag tahay, kaasoo ah in uu waligiis u shaqeeyo qof kale isaga oon  helayn wax ka badan biilka bilaha ah. Robert kiosaki wuxuu buugiisa ku yiri “qofka ku dhaca  dabinkaan waxa uu la mid yhay dameer madixiisa lagu hor xiray  kaarooto oo uu dameerku eryanayo sidii uu kaarootada ku cuni lahaa  ...

Qiimaha Waxbarashada iyo saamaynta ay ku leedahay shakhsiyadda qofka

Image
  Qiimaha Waxbarashada  Waxaa hubaal ah oo la xaqiijiyey in taariikhda Bini-Aadanku mar walba tahay tartan joogta ah oo ka dhexeeya AQOONTA (Education) iyo HOOGGA (Catastrophy). Taasi waxa ay faraysaa cid kasta oo mas’uul ka noqota ummaddeeda in ay himillada koobaad ka dhigato dhiska AQOONTA dadkeeda, si tartanka loogu guuleysto, himilooyinka Qaran ee fog-fogna loo sugo. Haddii kale oo ciddii xilka loo egmaday taa dhayalsato oo hareer dhaafto, waxa hubaal ah in ummaddaasi ku dambeynayso HOOG iyo Dhibaato is daba joog ah. Waxa run ah oo aan la diidi karin, in marba heerka WAXBARASHO ee bulshadu leedahay, in mustaqbalkeeda iyo horumarkeedu ku xidhan yahay. Tanina waxa ay waajib inagaga dhigaysaa in aynu ahmiyad weyn saaro waxbarashada dadka si aynu u gaadhno himilooyinka aynu leenahay. WAXBARASHADA IYO SAAMEYNTA AY KU YEELATO DADKA IYO DALKA. Waxbarashadu waa nidaam barbaarineed oo u habaysan si ay u hagto bulshada. Waxa ay jihaysaa aayaha waddan iyo dadka ku nool, waana hagaha ...

Beentu mafiicna

Image
  WAQTIGA AYAA XUSI DOONA QAANADDA AAD KU JIRTID! WAQTIGA AYAA XUSI DOONA QAANADDA AAD KU JIRTID! Waxaa la sheegay in maamulaha guud ee bangi uu shaqada ka fariistay da'diisa awgeed. Markii uu muddo dhan 5 sano ka maqnaa goobtii shaqada ayuu maalin maalmaha ka mid ah dib ugu soo noqday, wuxuu soo booqday qeyb/laan ka mid ah bankiga oo ku taalay magaaladii uu deganaa si uu lacag uga soo qaato xisaabtiisa bankiga. Hase yeeshee, inta badan shaqaalaha ka howlgala qeybtaas bankiga waxay ahaayeen kuwa cusub, sidaas darteed, ma uusan helin soo dhaweyntii uu filanayey ama uu is lahaa waa mudantahay, maadaama uu bankigaas muddo dheer ka ahaa maamulaha guud. Ninka odayga ah wuxuu bilaabay in uu shaqaalaha u sheego in uu ahaa madaxa ugu sareeyay ee bankiga muddo dheer, shaqadana uu ka fariistay 5 sano ka hor. Nasiib wanaag, isla markiiba wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa shaqaalaha ayaa gacanta qabtay odaygii, wuxuu fariisiyay goob wanaagsan oo ka mid ah xaafiisyada bankiga, wuxuuna u keenay...

Baahi iyo Rabitaan

Image
Baahi iyo Rabitaan Baahi iyo Rabitaan Waa maxay baahi? Waa maxayse rabitaan? Maxaa  farqiya oo u dhaxeeya baahi iyo rabitaan? Qof kasta  maalin kasta wuxuu qaataa go’aano uu wax ku  iibsanayo. Waxaas uu qofku soo iibsaday ama  lacagta uu ku bixiyey waa labo nooc midkood: 1)  Baahi (Needs) 2) Rabitaan (Wants). Waa maxay Baahi? Baahi waxaa la yiraahdaa waxyaalaha aasaasigaa oo  lagama maarmaan u ah noloshaada si ay u badbaado  sida Cuntada, biyaha, dharka, hoyga ama guriga,  sidoo kale waxyaalaha muhiimka u ah in aad  noloshaada baahiddeeda daboosho sida safarada  shaqada. Waa maxay rabitaan? Rabitaanku waa waxyaalo dheeraad ah oo ay  nafsadaadu jeceshay in ay hesho balse aan aasaasi  ama muhim u aheyn in aad sii noolaatid. Tusaale,  saacad qaaliya, Baabuur raaxo oo qaaliya, Dahar tiro  badan oo aad iska soo gadato. Dadka badankood ma yaqaan Baahi iyo Rabitaan  waxa ay kala yihiin, taasoo keeneysa in ay maalin...

Waa maxay dastuur ?

Image
   Dastuur kumeel gaar ah    .Dastuur: Dastuurku waa dukumenti ama heshiis qoran oo dejinaya mabaadi'da aasaasiga ah ee maamulka iyo nidaamka dowladnimo ee dal. Waxa uu xaddidaa awoodaha dowladda, sharci dejinta, iyo xuquuqda dadka. Waa saldhigga sharci ee nidaamka siyaasadeed iyo maamulka dalka. 2. Sharc: Sharcigu waa xeerar iyo qawaaniin ay dejiso dowladda si loo hago loona nidaamiyo habka ay bulshada u dhaqmaan. Sharciyada waxay ku qotomaan dastuurka iyo mabaadi'da guud ee bulshada, waxayna xaqiijinayaan in dadka ay u dhaqmaan si waafaqsan habraacyada iyo qawaaniinta la dejiyey. 3. Shuruud: Shuruudaha waa xaalado ama tilmaamo gaar ah oo looga baahan yahay in la fuliyo si loo gaaro ujeedooyin gaar ah ama loo xaqiijiyo hawlaha qaarkood. Tusaale ahaan, shuruudaha shaqada waxaa ka mid noqon kara waxbarashada, waayo-aragnimada, iyo xirfadaha looga baahan yahay shaqo gaar ah. 4.Dimuqraadiyad: Dimuqraadiyaddu waa nidaam siyaasadeed oo ku salaysan in dadka ay awood u le...

Mobile kaaga kasamee lacag online ah

Image
 Mobile kaaga kasamee lacag online ah adigo isticmaalaya app Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad lacag ku samayn karto adigoo isticmaalaya taleefankaaga gacanta. Halkan waxaa ah dhowr habab oo caan ah:  1. **Freelancing ***: Adeegso aaladaha sida Upwork, Fiverr, ama Freelancer si aad u bixiso adeegyo sida qorista, naqshadaynta garaafyada, barnaamijyada, ama kaalmada farsamada.  2. ** Sahanka Khadka Tooska ah iyo Cilmi-baarista Suuqa**: Ka qaybqaado sahannada onlaynka ah ama cilmi-baarista suuqa iyada oo loo marayo apps sida Swagbucks, Survey Junkie, ama Abaalmarinta Ra'yiga Google.  3. **Iibinta Alaabta**: Isticmaal apps sida eBay, Etsy, ama Facebook Marketplace si aad u iibiso alaabta. Waxa kale oo aad u isticmaali kartaa iibinta dharka sida Poshmark ama Depop.  4. ** Maalgelinta ***: Isticmaal barnaamijyada maalgashiga sida Robinhood, Acorns, ama Stash si aad u maalgashadaan kaydka, ETF-yada, ama cryptocurrency.  5. ** waxbarid iyo umeerin ***: Ku bixi adee...

cilmi nafsiga|&Science Facts💡😱🌓️🌏▪️:

Image
 cilmi nafsiga|&Science Facts💡😱🌓️🌏▪️: Dhalinyaro guushu waa sida adigoo soo galay keyn madoow ,taasoo aan leheyn wax wado ah oo la qaado . Haddii ay Keyntaas ay ahaato wado ama dariiq ,waa jid uu Qof kale jeexday . Haddii aad raacdidna Qof kale wadadiis ,waligaa ogaan meysid Awood aad leedahay . Waxaa lagaa rabaa inaad jeexdid wado cusub ,oo ay ummadaadu ku guuleystaan . Ha raacin oo haku dayan wax ay sameeyeeen dadkii hore ,wax ka baro ka dib ka wanaagsanoow . haddii aadan ka helin meesha aad hadda joogto ka dhaqaaq . geed ma tihid oo meesha iska taagan . sidaas oo kale haddii aadan aqoon leheyd dhaqaaq raadi cilmi . haddii aad faqiiir tahay baro sida lacag loo sameeyo . haddii aad hooyo rabtid inaaad noqotid kac oo baro sida loo tarbiyeeyo caruurta . balanteenu waa ineeynu dhaqaaqno qof kasta haku maqnaado meel biri ka maalin loogu soo xisaabtamo oo la yiraahdo hebel meeshaas ayuu khabiir ku yahay guul dhalinyaro .

Professor Mohamed Bashiir hagio

Image
 

Faa iidada salaada subax

Image
  Faa ii dada salaada subax 1-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Waxaa Loo Qori Ajirka Qof Habeenkii Oo Dhan Cibaado U Taagnaa. 2-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Wuxuu Ku Jiraa Dimada iyo Damaanada Alaah. 3-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Waxaa ilaalin Malaa,igta Alaah. 4-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Malaa,igtu Waxay Alaah U Gudbin Warbixin Fiican . 5-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Oo Waliba Sii Fadhiya Meeshuu Ku Tukaday ilaa Qoraxdu Ka Soo Baxdo Waxaa Loo Qori Ajirka Qof Xajiyay Oo Cumraystay. 6-Alaah Wuxuu Balan Ku Qaaday Qofka Tukada Salaada Subax iyo Casarka inuu Janada Galiyo. 7-Qofka Salasda Subax Tukada Waxaa Loo Qori inuu Bari Ka Yahay Nifaaq, Maxaa Jira Munaafaqu Salaada Subax Ma Yimaado. 8-Qofka Salaada Subax jJmaaco Ku Tukada Alaah Wuxuu Siin Maalinta Qiyaamo Nuur Dhamaystiran. 9-Labada Rak Cadood Ee Sunada Ah Ee Salaada Subax Ka Horeeya Waxay Ka Fadli Badan Yihiiin Aduunka iyo Waxa Ku Dhax Jira Hadaba Maxaad U Maleen Ajirka Salaad...

horFaa'iidooyinka aan lagu baraarugsanyn ee laga helo mooska?

Image
 horFaa'iidooyinka aan lagu baraarugsanyn ee laga helo mooska? .XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno. Faa’iidooyinka caafimaad ee Mooska waxaa ka mid ah: 1:Wuxuu isu-miisaama dheecanada jidhka “hormones”:mooska waxa ku jira xaddi badan oo maaddooyinka Potassium iyo Vitamin B6 ah kuwaas oo sare u qaada soo saarista xaddiga dheecaan walba ee loo baahanyahay. Sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini'aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London. Macdanta Potassuim ee jirka ku jirta, waxay wax badan ka tartaa wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee jirka taas oo mooska laga helo. 2: Waxa laga helaa tamar “Energy”:Mooska waxaa ku jira 3 nooc oo sokor dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaas oo ka caawiya jidhku in uu helo tamar ku filan. 3: Wuxuu xoojiyaa ...

10ka rikoor ee ugu sarreeya Olombikada ee ay haystaan cayaartoyda Afrikaanka

Image
  10ka rikoor ee ugu sarreeya Olombikada ee ay haystaan cayaartoyda Afrikaanka XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES 4 Agoosto 2024 Caasimadda Faransiiska waxay noqotay meel aad indhaha loogu hayo, laga soo bilaabo 26 Luulyo. Balaayiin dad ah ayaa cayaaraha kala socda goobta ama warbaahinta, ciyaartoy badan ee ka kala yimid adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan kuwa Afrikaan ah ayaana ka qayb galaya. Qaaradda ayaa inta badan waxaa matalaya ciyaartooy qaab wanaagsan leh, diyaarna u ah inay door weyn ka ciyaaraan ciyaaraha Olombikada Paris 2024 iyo inay muujiyaan kala duwanaanshaha iyo qaninimada isboortiga Afrika. Waxay durba bilaabayaan inay ku guuleystaan billadaha, kaliya maalmo ka dib xafladda furitaanka tartamada. Tani waxay si gaar ah u khusaysaa Koonfur Afrika, Tunisia iyo Masar. Taariikhda Ciyaaraha Olombikada ayaa had iyo jeer lagu tilmaami jiray qaab ciyaareedka ciyaartooyda Afrikaanka ah oo soo bandhigay rikooro cajiib ah. Guulahaas waaweyn ee Afrikaanka ah ee ay ka soo hooyeen ciy...

horBiden: "Kalsooni kuma qabo in si nabdoon awoodda loogu kala wareegayo haddii Trump laga adkaado"

Image
Biden: "Kalsooni kuma qabo in si nabdoon awoodda loogu kala wareegayo haddii Trump laga adkaado" Trump iyo BidenXIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Donald Trump oo ah madaweynihii hore haatana doorahada bisha nofeembar u tartamaya xilka madaxweynaha.  Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uusan kalsooni ku qabin suurtogalnimada in si nabdoon awoodda loogu kala wareego, hadii ay dhacdo in doorashada bisha Nofember ee soo socota looga adkaado musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump. Mr. Biden ayaa hadalkan ku sheegay wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyo tan iyo markii uu isaga haray tartanka doorashada madaxweynenimada Mareykanka. Doorashada Mareykanka oo lagu wado inay dhacdo bisha nofeembar ee sannadkan ayaa waxaa xilka madaxweynaha ku tartami doono Donald Trump iyo Kamala Harris oo kala matalaya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

10 Dariiqo Oo Aad Ku Noqon Karto Qof Mustaqbal Ifaya Leh

Image
Noqo qof mustaqbal ifiya Hadii aad dooneeyso inaad noqoto qof dadka kale ka soocan oo mustaqbal fiican leh waxaa jiro qodobo eey tahay inaad raacdo si aad u noqoto qof dadka kale ka duwan oo mustqbalkiisana ifaayo: 1. Dhoolacadeey xili walbo hadii aad faraxsan tahay iyo hadii aad murugeeysantahay . 2. Iska iloow wixi hore ee aad kasoo gudubtay sababtoo ah xasuusashada wixi hore dib u dhac ayeey kugu keeni kartaa,  hada si fiican u dadaal si mustaqbalkaada u noqdo mid qurxoon. 3. Ku cibro qaado khaladaadaka dadka kale eey sameeyeen si aadan ugu dhicin khaladkaas oo aad isaga ilaaliso. 4. Dhageeyso wanaada dadka kale sababtoo ah qofka kuwaaninaya waxaa laga yaabaa inuu horay u soo maray qodobka uu kaa waaninaayo ama uu ogyahay dhibka ka imaanaya. 5. Ka faa’iideeyso fursadaha kusoo mara maxaa yeelay fursad hal mar kaliya ayeey kusoo mareeysaa. 6. Dadka kale haku deeysan shakhsiyadaada isdhis. 7. Noqo Qof daacad ah lana saaxiib mabaadida kuu dagsan, n...